Hadii aad degentahay gobolka masajuusis magaala madaxdiisa iyo agagaarkeeda oo aad heyso fikrad ku biirso. Isku biirsigu waa wax yaaba lagu gaadho horumarka bulshada iyo kan dhaqan-dhaqaalaba.
Tusaale ahaan; hadii aad ogtahay meel lacag la'aan ugu daabacda dadka danyerta ah afkoo nala soo socodsii. Hadii, aad adigu wax qorto ama aad wacaal kale heyso sida adeegyada bulshada beesha, daabiyada ama magaalada aad ku nooshaahay meelaha laga helo af Soomaaliku tarjum oo u qeybi dadka danyerta ah ee kula degan meeshaa.
Isu tilmaamida wax yaabahan yeryer ee aan soo sheegney waa wax yaabaha ugu qaalisan ugu na muhiimsan marka dad meel ku cusub yihiin.
Noobiyada ifku waa Warside Af-Soomaaliya. Waxaan rajeynayaa inuu noqdo u adeege bulsho war iyo wacaalba.
Wednesday, December 20, 2006
Ujeedka Warsidahan
Ujeedka warsidahan Ambaqaad waa wax aad u howlyer. Ambaqaad waxaa keeney baahi loo qabo adeegsiga afka hooyo. Isgaadhsiinta dhaqanka, hidaha, arimaha bulshad, siyaasada, dhaqaalaha, war iyo wacaal wixii jira aduunyada.
Mararka qarkood waxaad arkeysaa iyada oo dadku la kala bakheylaaya wacaasha iyo waxay xog u hayaan. Taasina waxay dhaawac ku keentey danyerta iyo xoogsatada muruqmaalka ah. Dad wax iska howlyer ayey u noqotey in ay qariyaan meelaha shaqooyinka laga helo. Sidoo kale laga qaato adeegyada aadaminimada sida cuntada, caafimaadka, waxbarshada iyo waxyaabaha kale ee daruuriga ah.
Iyada oo waxaas oo dhan ay jiraan ayaan laga helin gobolka masajuusis oo dhan warside yar oo afka Soomaaliga ku soo baxa oo u tilmaama bulshada meelaha laga helo wax yaabahan mahuraanka ah.
Kadib markuu arkey Ambaqaad baahida jirta wuxuu isku dayayaa in tii tabartiisaha in uu ka haqabtiro bulshada warka iyo wacaasha ay baahida u qabto. Warsidahani wuxuu isku dayayaa inuu u adeego bulshada - isaga oo aan ka talaabsaney awoodiisu inta ay u xadidey - sida ugu haboon uguna kharashkayer ee ugu hawshayer.

Ambaqaad iyo Baaqiisa

Ambaqaad wuxuu noqon doonaa warside ka soo baxa magaalda Booston iyo agagaarkeeda. Warsidahani wuxuu ugu baaqayaa dadka afka Soomaaliga ku hadla bilow wanaagsan. Maxaa yeeley magaciisu waa bar bilow. Meesha laga anbaqaadaayo weeye.
Bilowga waxkasta waxaa ugu horeeya ka fakarkiisa. Kadib, waxaa ku xiga qorshihii iyo tabaabushihii. Qorida iyo dejintu waa talaabada ku xigta. Ugu danbeyntu waa saldhigida iyo kagungaadhida.
Muran ka majiro in ambaqaad ku jiro wajigii ugu horeeyey ee fakiraada. Sida isu soo uruninta fikrada ha iyo aaraada dad weynaha, waxa bulshadu haysto iyo waxay u baahan tahay. Hadii, aan soo qaato waxa ugu horeeya ee khayraada ah ee bulshadu haysataa waa Afka waxay u baahantahayna waa isgaadhsiin in kastoo awoodu aaney u saamaxay wadadii qaadi lahayd ama tabin laheyd isgaadhsiinta sida idaacadaha, wargeysyada iyo tiifiiyada.
Tusaale yar hadii aan kabixiyo, qodobkan aan soo qaaday. Afku waa khayraad dabiiciya oo ka haqab tiraya bulshada baahida isgaadhsiinta iyo tilmaamida adeegyada bulshada meelaha laga helo. Waxa loogana faa'iideysan karaa siyaabo farabadan. Iyada oo la adeegsanayo tabiyayaal kharashyer sida qorida waraaqa, buugaagta yaryer iyo warsidayaasha yaryar. Qofkast oo ku hadla afkana waxaa looga baahan yahay in uu qoro waxay doontan ha noqotee uu wax qoro.
Wax ku qorida afku ma dhib badna hadii aad ku hadleyso. Hayeeshee, dhib aan badneyeyn ayaa lagala kul maa marka aanad ku hadayn. Kaliya waxaad u baahantahay in aad Alifbada Af-Soomaaliga, Shaqaladiisa iyo Shibanahiisa ku dadaashid.
Dhugo tusaalahan: Alifbada; A B T J X KH D R E S SH DH I C F Q K L O M N W U H Y. Alifbadu waa ereyooyinkii oo guud ahaana. Shibanayaal; B T J X KH D R S SH DH C G F Q K L M N W H. Shibanayaalku waa ereyada alfbad kuwooda aan sameyn cod ama aan wax dhaqdhaqaaq ah aan sameyn marka aad adeeg sanysid. Shaqalo; kuwa gaaban A E I O U kuwa Dheer AA EE II OO UU. Shaqaladu waxay sameeyaan cod ama dhawaaq waaney dhaqdhaqaan marka aad adeegsaneyso.
Guud ahaan waxa leynooga baahanyahay in aan kaliya adeeg sano ereyooyinkaa kor ku xusan, isuna geygeyno si aan uga sameyno weedho. Weedhohaasina noqdaan hawraaro. Howraarahaasina u sameeyaan tuducyo aan ku wada xidhiidhno si ayno dhaqan iyo dheef u wadaagno. Maxaa yeeley, bulshada ilbaxnimada ku nooli waxay u baahantahay kow wad xidhiidh iyo wacaal is dhaafsi si ay u kala faa'iideysato.

Thursday, December 7, 2006
War waa kuu war uun
Guud ahaan aduunyada maalinkasta wax cusub ayaa dhaca. Waxa badan ayaana iska bedela dunida. Baahiyo badan ayaa jira, loo baahan yahay in laga hadlo oo wax laga yidhaahdo. Hadii, aan wax laga qorina beylah ku danbeynaya.
Waxa kaloo jira adeegyo badan oo loo baahanyahay. Sida ugu hawsha yer ee looga bugsoon karo baahiyahaasna aytahay iyada oo la koobo, waxna laga qoro. Inta la koobaa way yer tahay. Wacaashuna meeshey taalo looguma tago.
Hadii, aynu soo qaadano wadamo badan oo ay u qaxeen ama degeen dhaka afka Soomaaliga ku hadlaa. Gaar ahaan Waqooyiga Mareykanka sida magaalada Boostan iyo agagaarkeeda waxaa jira war badan oo aan la koobin iyo adeegyo badan oo dadku aaney garaney meel ay u raadsadaan; sida adeegyada bulshada, aadminimada iyo dadweynaha.
Si kastaba ha ahaatee; hadii, aan u soo gonda dego dulucda tusmadeyda waxaa ila haboo naatey in aan wax na ka qoro dhibka jira. Waxa kale oo ila wanaagsan in loo tilmaamo dadka meesha laga helo adeegyada daruuriga ah ee dowladu dadka u qorsheysay.
Ku talagalku wuxuu noqonayaa in la soo saaro warside af Soomaali ku qoran. Kaa soo ka hadli doona wax yaabaha bulshada u gundhiga shida afka, suugaanta, dhaqanka, dhaqaalaha iyo wararka la soo darsa guud ahaan dadyowga afka Soomaaliga ku hadla ee degan halkan.
In taanan bilaabin warsidahan oo ku kici doona dhaqaale aanan tabar u hayn hada waxaan isku dayi doonaa in aan ku soo qoro shabakadan.

Subscribe to:
Comments (Atom)