Wednesday, December 20, 2006

Ambaqaad iyo Baaqiisa


Ambaqaad wuxuu noqon doonaa warside ka soo baxa magaalda Booston iyo agagaarkeeda. Warsidahani wuxuu ugu baaqayaa dadka afka Soomaaliga ku hadla bilow wanaagsan. Maxaa yeeley magaciisu waa bar bilow. Meesha laga anbaqaadaayo weeye.

Bilowga waxkasta waxaa ugu horeeya ka fakarkiisa. Kadib, waxaa ku xiga qorshihii iyo tabaabushihii. Qorida iyo dejintu waa talaabada ku xigta. Ugu danbeyntu waa saldhigida iyo kagungaadhida.

Muran ka majiro in ambaqaad ku jiro wajigii ugu horeeyey ee fakiraada. Sida isu soo uruninta fikrada ha iyo aaraada dad weynaha, waxa bulshadu haysto iyo waxay u baahan tahay. Hadii, aan soo qaato waxa ugu horeeya ee khayraada ah ee bulshadu haysataa waa Afka waxay u baahantahayna waa isgaadhsiin in kastoo awoodu aaney u saamaxay wadadii qaadi lahayd ama tabin laheyd isgaadhsiinta sida idaacadaha, wargeysyada iyo tiifiiyada.

Tusaale yar hadii aan kabixiyo, qodobkan aan soo qaaday. Afku waa khayraad dabiiciya oo ka haqab tiraya bulshada baahida isgaadhsiinta iyo tilmaamida adeegyada bulshada meelaha laga helo. Waxa loogana faa'iideysan karaa siyaabo farabadan. Iyada oo la adeegsanayo tabiyayaal kharashyer sida qorida waraaqa, buugaagta yaryer iyo warsidayaasha yaryar. Qofkast oo ku hadla afkana waxaa looga baahan yahay in uu qoro waxay doontan ha noqotee uu wax qoro.

Wax ku qorida afku ma dhib badna hadii aad ku hadleyso. Hayeeshee, dhib aan badneyeyn ayaa lagala kul maa marka aanad ku hadayn. Kaliya waxaad u baahantahay in aad Alifbada Af-Soomaaliga, Shaqaladiisa iyo Shibanahiisa ku dadaashid.

Dhugo tusaalahan: Alifbada; A B T J X KH D R E S SH DH I C F Q K L O M N W U H Y. Alifbadu waa ereyooyinkii oo guud ahaana. Shibanayaal; B T J X KH D R S SH DH C G F Q K L M N W H. Shibanayaalku waa ereyada alfbad kuwooda aan sameyn cod ama aan wax dhaqdhaqaaq ah aan sameyn marka aad adeeg sanysid. Shaqalo; kuwa gaaban A E I O U kuwa Dheer AA EE II OO UU. Shaqaladu waxay sameeyaan cod ama dhawaaq waaney dhaqdhaqaan marka aad adeegsaneyso.

Guud ahaan waxa leynooga baahanyahay in aan kaliya adeeg sano ereyooyinkaa kor ku xusan, isuna geygeyno si aan uga sameyno weedho. Weedhohaasina noqdaan hawraaro. Howraarahaasina u sameeyaan tuducyo aan ku wada xidhiidhno si ayno dhaqan iyo dheef u wadaagno. Maxaa yeeley, bulshada ilbaxnimada ku nooli waxay u baahantahay kow wad xidhiidh iyo wacaal is dhaafsi si ay u kala faa'iideysato.

No comments: