Guud ahaan aduunyada maalinkasta wax cusub ayaa dhaca. Waxa badan ayaana iska bedela dunida. Baahiyo badan ayaa jira, loo baahan yahay in laga hadlo oo wax laga yidhaahdo. Hadii, aan wax laga qorina beylah ku danbeynaya.
Waxa kaloo jira adeegyo badan oo loo baahanyahay. Sida ugu hawsha yer ee looga bugsoon karo baahiyahaasna aytahay iyada oo la koobo, waxna laga qoro. Inta la koobaa way yer tahay. Wacaashuna meeshey taalo looguma tago.
Hadii, aynu soo qaadano wadamo badan oo ay u qaxeen ama degeen dhaka afka Soomaaliga ku hadlaa. Gaar ahaan Waqooyiga Mareykanka sida magaalada Boostan iyo agagaarkeeda waxaa jira war badan oo aan la koobin iyo adeegyo badan oo dadku aaney garaney meel ay u raadsadaan; sida adeegyada bulshada, aadminimada iyo dadweynaha.
Si kastaba ha ahaatee; hadii, aan u soo gonda dego dulucda tusmadeyda waxaa ila haboo naatey in aan wax na ka qoro dhibka jira. Waxa kale oo ila wanaagsan in loo tilmaamo dadka meesha laga helo adeegyada daruuriga ah ee dowladu dadka u qorsheysay.
Ku talagalku wuxuu noqonayaa in la soo saaro warside af Soomaali ku qoran. Kaa soo ka hadli doona wax yaabaha bulshada u gundhiga shida afka, suugaanta, dhaqanka, dhaqaalaha iyo wararka la soo darsa guud ahaan dadyowga afka Soomaaliga ku hadla ee degan halkan.
In taanan bilaabin warsidahan oo ku kici doona dhaqaale aanan tabar u hayn hada waxaan isku dayi doonaa in aan ku soo qoro shabakadan.
No comments:
Post a Comment