Ujeedka warsidahan Ambaqaad waa wax aad u howlyer. Ambaqaad waxaa keeney baahi loo qabo adeegsiga afka hooyo. Isgaadhsiinta dhaqanka, hidaha, arimaha bulshad, siyaasada, dhaqaalaha, war iyo wacaal wixii jira aduunyada.
Mararka qarkood waxaad arkeysaa iyada oo dadku la kala bakheylaaya wacaasha iyo waxay xog u hayaan. Taasina waxay dhaawac ku keentey danyerta iyo xoogsatada muruqmaalka ah. Dad wax iska howlyer ayey u noqotey in ay qariyaan meelaha shaqooyinka laga helo. Sidoo kale laga qaato adeegyada aadaminimada sida cuntada, caafimaadka, waxbarshada iyo waxyaabaha kale ee daruuriga ah.
Iyada oo waxaas oo dhan ay jiraan ayaan laga helin gobolka masajuusis oo dhan warside yar oo afka Soomaaliga ku soo baxa oo u tilmaama bulshada meelaha laga helo wax yaabahan mahuraanka ah.
Kadib markuu arkey Ambaqaad baahida jirta wuxuu isku dayayaa in tii tabartiisaha in uu ka haqabtiro bulshada warka iyo wacaasha ay baahida u qabto. Warsidahani wuxuu isku dayayaa inuu u adeego bulshada - isaga oo aan ka talaabsaney awoodiisu inta ay u xadidey - sida ugu haboon uguna kharashkayer ee ugu hawshayer.
No comments:
Post a Comment